MASHRUUCA HORUMARINTA BIYAHA

Posted on
Share this...
Share on FacebookShare on Google+Tweet about this on Twitter

MASHRUUCA HORUMARINTA BIYAHA

Desalination Plant

„Ma sii eegan karno caruurteena udhimanaya abaaraha iyo biyo la,aanta, xoolaheena iyo deegaankeena sidaa ku baaba’aya. Markastoo abaaruhu dhacaan waxaynu ka hadalnaa gargaar iyo taakuulayn. Laakiin intaasi waxba kama bedelayaan abaaraha soo noqnoqda. Taageeraadiinu waxay inoo suurta galin doonta inaynu biyo inagu filan helno ilaa 1.45 bilyan oo litir.“

- Abdirahman Mohamed Abdullahi

Waddani wuxuu balan qaadayaa inuu hirgaliyo kayd biyo, biyahaas oo laga soo sifeynayo badda somaliland taasoo lagaga gaashamanayo abaaraha iyo biyo la,aanta hadda jirta.

Qorshayaasha xisbiga waddani waxaa ka mid ah dhismaha iyo hirgelinta warshado biyo (desalination plants) kuwaaso ku shaqaynaya tamarta la cusboonaysiyo (renewable energy) sida qorraxda iyo dabaysha.

Qorshayaasha biyuhu kuma koobna warshadahaas oo kaliya laakiin qabatinka iyo kaydinta biyaha roobka iyo sidoo kale ka hor tagista carro-guurka.

 

Warshadahan biyuhu waxay inaga caawin karaan;

  • In loo helo 1,333,000 qof midkiiba 3 litir oo biyo ah maalin kasta.
  • In la helo biyo ku filan 734,000 neef adhi ah 5 litir oo biyo ah maalinti.
  • Biyo ku filan 4.2 milyan neefo adhi ah ee sannadkii la dhoofiyo, 087 litir maalin kasta.

 

SIDEE LOO MAALGELINAYA MASHRUUCAN WARSHADAHA?

  • Warshadaha biyaha badda sifeeynaya: maalgelinta ugu horeysa waxaa laga bixinaya miisaaniyadda xukuumada, $2 milyan dollar warshadiiba. Dhamaan maalgelinta ku baxaysaa waa $15 milyan dollar, taasoo ay la socdaan kharashkii dhismaha warshadaha, rakibida iyo mashiinada.
  • Qaybinta biyaha: booyadaha kasoo dhaaminaya warshadaha waxaan la galaynaa heshiis liis ah. Kharashka liiskaasi wuxuu ku kici doonaa $15 milyan dollar (kharashkii hawl socodsiinta, dayactirka iyo shiidaalka). Kharashyada kalena waxaa laga bixin doonaa dakhliga diiwaanka iyo ardiyadaha dhulka ee waddani balanqaadey. Diiwaankaaso sahli doona in si hufan loo ururiyo cashuurihi baaqan jirey ama la dhici jirey. Taasoo dakhliga xukuumada kusoo kordhin doonta ilaa $16 milyan dollar muddo aad ukooban.

 

Marka laga yimaado soo saarista biyaha iyo kaydinta waxaa kaloo muhiim ah in si hufan loo maamuulo biyaha dhulka ku jira. Iyadoo muhiimada la siinayo;

  • biyaha roobka: biyahani waxay toos ugu darsamaan badda si looga faaidaysto biyahan islamarkaana loo kaydiyo waxaa la samayn doona dooxyo biyahan ku dara ceelasha biyaha ee dhulka. Sidoo kale waxaa laga hortagi doona carro-guurka si ciidu ula soo noqoto awood ay biyaha ku qaban karto.
  • Dhir beeris: geedaha iyo dhirtu waxay sahlaan in hawadu ay si fiican ugu wareegto ciida ama carrada taaso keenaysa in biyuhu ay si fiican ugalaan dhulka islamarkaana horumarinaysa deegaanka gaar ahaan dhirta iyo xoolaha. Sidoo kalena waxay samaynayaan jawi cimilo ku haboon roobka.

  

Marka la fuliyo mashruucan, Somaliland waxay talaabo hore ugu qaadeysaa inay higsato isku filnaansho cunto/biyo, dabar goynta faqriga iyo ilaalinta deegaanka (water/food security, zero hunger and life on-land) islamarkaana ka mid noqoto waddamada aduunka ee isku taxalujinaya inay hirgeliyaan barnaamijka horumarinta ee qaramada midoobay (sustainable development goals)

Share this...
Share on FacebookShare on Google+Tweet about this on Twitter